Madaxweynaha Dowladda Federalka iyo Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika ayaa waxay ka qeyb galayaan Shirweynihii 27-aad, kaasi oo ka socda caasimadda dalka Ruwanda ee Kigali.
Madaxweynuhu waxaa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweyneyaasha dalalka Jamhuuriyadda Suudaan, Cumar al Bashiir, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, General Cabdulcasiis Al Sisi, Jamhuuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Jamhuuriyadda Kenya, Uhuru M. Kenyatta.
Kulamadaasi ayaa waxaa looga hadley xiriirka Soomaaliya kala dhexeeya dalalkaasi.
Dhinaca kale, Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee sannadkan waxaa barbar socday shir ay isugu yimaadeen madaxda Urur Goboleedka IGAD, oo ka dooday colaadda Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan,.
Kulankaasi waxaa laga soo saaray baaq lagu dalbanayo xabbad joojin waarta, in Qaramada Midoobay ay kordhiso, isla markaana ay xoojiso awoodda ciidanka nabad ilaalinta ee dalkaasi jooga iyo in hannaanka siyaasadda uu noqdo kan lagu xallinayo mashaakilaadka dalkaasi ka taagan.
©Radio Dalsan