Askar Maraykan oo Kooxda Daacish kula dagaalami doona gudaha dalka Syria.

Afhayeenka Waaxda Difaaca Maraykanka ayaa sheegay in Ciiddankaasi oo wata Madaafiicda Culus ee Hawsarka ayaa loogu talagalay inay ka qeyb galaan Diyaargarowga socda oo la doonayo in Maleeshiyadda Daacish looga saaro Xaruntooda Dhexe oo ku taalla magaalladda Raqa ee dalka Syria.

Saraakiisha Milliteriga Maraykanka ayaa sheegay in Dagaalka lagu qabsanayo magaalladda Raqa u ekaan doono dagaalka Isbahaysiga Maraykanka kula jiraan Dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan magaalladda Mosul ee Waqooyiga Iraq.

Daad-gureyntaasi ayaa la sheegay inay tahay mid KMG, waxayna Ciiddanka Maraykanka taageeri doonaan Maleeshiyadda deegaanka ee ay Isbahaysiga Maraykanka maalgeliyaan.

Dhinaca kale, Maraykanka waxay qorsheynayaan inay ilaa 1,000 Askari oo dheeraad ah u diraan dalka Kuweyt, si ay ugu biiraan Dagaalka ka dhanka ah Daacish

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media