Faah faahin dagaal Khasaaro geystay oo ka dhacay gobalka Sh/hoose

Ciidamada dowladda Somalia kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Alshabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha goose waxaana dagaalkaas uu geystay khasaaro Kala duwan.

Sida Idacada dalsan ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah Alshabaab ay weerar ku soo qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Buulo-mareer ee gobalka shabeelaha hoose waxaana halkaas ka dhacay dagaal culu oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa Kala duwanan.

Ugu yaraan 2-ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaalkaas waxaana saakay degan xaladda  deegaanka Buulo-mareer ee gobalka Shabeelaha hoose oo xalay uu ka dhacay dagaalkaas,saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerar ay ku soo qaadeen AlshabaaAlshabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media