Hay’ad lagu magacaabo 4ml oo wada shaqeyn la leh Golaha Qaxootiga Denmark (The Danish Refugee Council) inay Tahriibayaal badan oo Afrikaan ah ku geriyoodaan Saxaraha Libya, halka Kumanaan kalena ay ku haftaan Badweynta Mediterranean Sea.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Tahriibayaasha iyo Qaaxootiga ka yimaada Geeska Afrika ee soo gaara dalka Libya ay in badan oo ka mid ah ku geeriyoodaan inta ay soo dhex jibaaxayaan Lama Degaanka Libya.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inaan la haynin Xog ku aadan tirada Qaxootiga ku geeriyootay dhulka Lama degaanka Libya, balse wareysiyo lala yeeshay in ka badan 1.300 Tahriibayaal labadii sanno ee la soo dhaafay waxay sheegeen ku-dhawaad 1,245 Qaxooti ku geeriyoodeen Lama-degaanka Libya.
Warbixinta waxaa lagu sheegay inay inta badan Tahriibayaasha tiradooda dhan tahay 1,245 qof ay u gereiyoodeen cudduro, macluul, Toogasho iyo Tooreyn.
Waxaa kaloo dadkaasi ka mid ah 44 haween oo inta la kufsaday ay dileen Kooxxo hubeysan oo ka qowleysta Lama-degaanka Libya.
Warbixinta waxay kaloo muujisay inay 2,505 Tahriibayaal sannadkan ku geeriyoodeen Badda, isku-day ay ku doonayeen inay ku gaaraan Xeebaha Libya.
Dhinaca kale, Hay’adda Calaamiga ee Muhaajiriinta ee The International Organization for Migration “IOM” ayaa horey u soo saartay Tiro-koobka geerida Tahriibayaasha ku le’ata Saxaraha Libya.
Tiro-koobka IOM, waxaa lagu ogaaday in sannadkii hore ay Saxaraha Libya ku geeriyoodeen ama lagu la’ yahay 104 Tahriibayaal.
©Radio Dalsan