Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Goor dhow ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada Asmara ee dalka Eritrea.
Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee dalka Eritrea oo sida uu qorshahu yahay qaadan doona laba maalin ayaa waxaa uu ujeedkiisa yahay mid la xiriira arrimaha ciidamadii tababarka loogu qaaday dalkaas labo sano ka hor oo war iyo wacaalkooda muddo la la’aa.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynaha Jamhuuriyadda inta uu ku sugan yahay Magaalada Asmara uu kulan la qaado dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan xoojinta xiriirka labada dal.
Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.
Qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa sheegeen in ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Eritreaay ka qeyb qaateen dagaalkii Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.