Dhageyso:-Xildhibaan Odowaa”Dowladda waxa ay Galmudug ka goosatay Miisaaniyadii loogu talagalay”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa oo maalmahaan booqasho ku maraya deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa eedeyn kulul u jeediyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay miisaaniyadii loogu talo galay Maamulka Galmudug jaratay,isla markaana mudo wax dhaqaalo ah aan la siin Galmudug.

“Runtii mudo ka badan Lix bilood wax dhaqaalo ah oo dowladda siisay Galmudug majirto,waxaa sidaas ii sheegay Madaxweynaha Galmudug,runtii dowladda inay difaacista kursigeeda ay siyaasadeyso,waxaana ugu baaqayaa madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha in wax naf dadka la xiriira loo adeegsado Siyaasad.

Sidoo kale waxa uu sheegay  Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa in mashaariic laga fulin lahaa deegaanada Galmudug la hakiyay,waxaana Madaxda Dowladda uu ugu baaqay in xaalada wax ka bedelaan.

Hoos Ka Dhageyso Shir Jaraa’id uu qabtay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor