Villa Somalia oo War kasoo saartay safarka Xasan Sheekh  ugu baxay Magaalada Asmara

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Ereteriya, ka dib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in safarka Madaxweynaha sidoo kale uu la xiriiro arrimaha ciidamadii tababarka loogu qaaday Ereteriya labo sano ka hor oo war iyo wacaalkooda muddo la la’aa.

Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.

Qaar ka mid ah xubnaha Mucaaradkii dowladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa sheegeen in ciidamadii tababarka loogu qaaday dalka Eritreaay ka qeyb qaateen dagaalkii Gobolka Tigreega ee Waqooyiga Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.

About Webmaster

View all posts by Webmaster