Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale Xaaf,yaa sheegay in maalmihii uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho uu ku guuleestay qorshooyin farabadan kuwaas oo dan u ah shacabka Galmudug.
Waxa uu sheegay in dhawaan ay Galmudug tegi doonaan Diyaarado sida Raashin gargaar ah,iyo sidoo kale Khuburadii dhisi lahaa Dekadda Magaalada hobyo.
Dhanka kale Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynha dowlad goboleedka Galmudug ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlusuna in ay Nabada qaataan islamarkaana dadkooda ay dhinac ka raacaan dhibaatadana ka daayaan sida uu hadalka u dhigay.
Hadalkan ayaa waxa uu Madaxweyne Xaaf sheegay xili shalay uu dibh ugu laabtay Magaalada Cadaado ee xrunta KMG,ka ah ee Maamulka Glmudug.