Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxa xalay ka dhacay qarax kaas oo jugtiisa inta bdan laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Magaalada Boosaaso.
Qaraxaan ayaa si gaar ah waxaa uu ka dhacay Shirkadda Isgaarsiinta Somtel, gaar ahaan waxaa lala beegsaday Matoorada Shirkadda.
Saraakiisha Ciidamada Booliiska Boosaaso ayaa waxa ay sheegeen in mark laga reebo in uu ku dhacay Mtoorka shirkadda uusan geysan khasaaro kale.
Ilaa iyo hada lama oga cida kad ambeysa qaraxaas,iyo sababta loo qarxiyay shiradda Somtel,iyada oo warar kala duwn ay ka soo baxayaan.