Madaxweyne Lafta-gareen oo Shir deg-deg ah la qaatay Laamaha Amniga Koonfur Galbeed

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shir guddoomiyey shir Deg-deg ah oo Maanta ka qaboomay Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee KGS.

Shirkaan oo uu Madaxweynaha isugu yeeray laamaha ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa looga hadlay ammaanka guud deegaanada Maamulkaasi iyo xaaladihii ugu danbeeyay Arrimaha amniga.

Inta uu socday Shirka amniga ayaa diirada lagu saaray xoojinta Amniga, Iskaashiga qeybaha kala duwan ee Ciidanka, wadaagida xogaha la xiriira falalka amni darro ee xilliyada qaarkood ka dhaca gudaha Maamulkaas.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Saraakiisha Ciidanka Maamulka ka dhageystay Warbixino amni, isagoo faray xaqiijinta amniga iyo dardar-gelinga howlgalada, sidoo kalena shacabka ka dalbaday inay laamaha amniga.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ahaa oo ka qeyb galay Saraakiisha amniga Maamulka sida Booliska, Nabadsugida iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga qeybta 60-aad, Saraakiisha ATMIS iyo kuwa ka tirsan Ingiriiska.

Dhawaan ayey aheyd markii Qaraxyo Is-miidaamin ah oo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dhaceen Magaalooyinka Baydhabo iyo Marka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor