Wafdi ka socday Maamulka Hirshabeelle oo Maanta gaaray Degmada Matabaan

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdiraxmaan Maxamed Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayey oo ka baxay Jowhar ayaa Maanta gaaray degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Bashiir Cabdiraxmaan Sheekeeye ayaa Garoonka diyaaradaha degmadaasi kusoo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayey Wasiir C/raxmaan Kheyre oo kamid yihiin Wasiiro iyo xbno kale oo kamid ah Maamulka.

Guddoomiyaha Matabaan ayaa uga mahad-celiyey xubnahan Wasiirada ah ee dhawaan Madaxweynaha Hirshabeelle u magacaabay Guddiga Gurmadka xaaladaha ka jiro Gobalka Hiiraan, isagoo xusay in xaaladaha Colaadeed iyo abaareed ee ka Jiro Gobalka u kuur geli doonan si loo wajaho xaaladaha.

Sidoo kale Guddoomiye Bashiir Sheekeeye ayaa ka hadlay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Maamulka Hirshabeelle ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in howlgalka laga gaaray guulo, warbixin guudna laga siin doono Golaha wasiirada ,wafdiga Golaha wasiirada ayaa ka mahad-celiyey soo dhaweeynta loo fidiyey.

Dhinaca kale wafdiga Wasiirada ah ayaa  carabka ku adkeeyey iney xoojin doonan howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab, si deeganada dib loogu soo celiyo gacanta Ciidanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor