Madaxweyne Guudlaawe oo xilalkii ka qaaday Wasiiro ka tirsan Hirshabeelle iyo sababta

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa habeenimadii xalay aheyd.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa xilalkii  ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Qadar Xasan Maxamed, kuwaasi oo loo jeediyay eedeyn, sida lagu caddeeyay wareegatada.

Madaxweynaha ayaa labada Wasiir ku eedeeyay xil gudasho la’aan shaqadii loo idmaday iyo inay lagama maarmaan tahay in xilalka laga qaado Wasiiradii  Wasaaraddaha Ganacsiga iyo Dastuurka ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Xeerkaan uu soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dhaqan-galaya markii uu saxiixo Madaxweynaha wuuna saxiixay, in kastoo uusan Madaxweynaha magacaabin Wasiiradii bedeli lahaa kuwa shaqada laga eryey.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor