Taliyaha Booliska Somalia oo Addis Aabab uga qeyb galaya Shirweyne Maanta furmaya

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayay ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo ay uga qeyb galaan Shirweyne.

Taliye Xijaar iyo wafdigiisa ayaa Caasimadda Addis Ababa uga qeyb galaya Shirweynaha Booliska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika oo Maanta oo Axad ka furmaya Magaaladaas.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Taliyeyaal Ciidan iyo xubno kale oo mas’uuliyiin ah oo ka kala socda dalalka Adduunka, waxaana inta uu shirka socdo looga hadli doonaa shaqooyinka muhiimka ah ee Booliska qabtaan iyo Arrimo la xiriira baarista dembiyada.

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa khudbad ka jeedin doona Shirweynaha Booliska Adduunka ee Interpol qeybta Bartamaha iyo Bariga Afrika ee Maanta furmaya.

Sidoo kale Xijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Booliska Itoobiya Mr Demelash Gebremicheal, maadaama Dowladda Federaalka Itoobiya ay la wareegeyso hoggaanka (EAPCO) East Africa Police Chiefs Organisation.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor