Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.
“Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.â€
“Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.â€
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.
Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.