Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir waxa uu shalay isku-shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Wasiiradda, iyadoo Wasiiro xilka laga qaaday, halka kuwo kalena la magacaabay.
Wareegto aka so obaxday Madaxtyooyadda dalkaasi ayaa lagu sheegay in la beddelay Wasiiradii Arrimaha Dibedda, Gudaha, Shidaalka, Beeraha, Garsoorka iyo Dhallinyarada iyo Sport-ga
Wakaalladda Wararka Suudaan ee SUNA ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda loo magacaabay Al-Dirdiri Mohamed Ahmed, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha loo magacaabay Ibraahim Xamiid, halka Wasiirka Shidaalka loo magacaabay Azhari C/llaahi.
Wasiirka Caddaalada ayaa loo magacaabay Mohamed Ahmed Salim.
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibedda ee dalkaasi waxa uu horey u ahaan jirey Safiirkii Suudaan u joogay dalka Uganda, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii Dowladda Suudaan ee Wada-xaajoodka ay Koonfurta Suudaan kaga goรขโฌโขeen Waqooyiga Suudaan sannadkii 2011-kii.
Isku-shandheyntaasi oo uu Xisbiga haya talada dalkaasi ee National Congress Party ansixiyeen ayaa rimid, kadib, markii Madaxweyne Al-bashiir xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Ibraahim Qanduuri, kaasi o oxilkaasi ku waayey hadal uu ku sheegay inuusan awoodi Karin inuu bixiyo Mushaaraadka Diplomaasiyiinta ka hawlgala Safaaradaha Suudaan ee ku yaalla dalalka Caalamka