Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaa Maanta lagu soo gaba gabeeyey Shirweynaha Qaran ee dib u egista Dastuurka dalka kaas oo mudo 3 Cisho ah ka socda Magalada Muqdisho.
Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay in ka badan 300 oo Ruux oo ka kala socday Xildhibaannada labada Aqal,Xubno ka socday Ururada Bulshada rayidka,Xukuumadda iyo Dowlad Goboleedyada.
Shirka ayaa waxaa Maanta laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban Saddex Bog,iyada oo lagu balamay sidii loo dhaqan gelin lahaa.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan xoosh Jibriil ayaa ka sheekeeyey marxaladihii uu soo maray Dastuurka iyo qodobo kale.
Hoos Ka Akhriso Warmurtiyeedka kazoo baxay Shirweynaha Qaran ee dib u egista Dastuurka.