Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulan uu la qaato Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira, gaar ahaan kuwa ay diiwaangeliyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Madaxda Xisbiyada ayaa lagu wargeliyay in Maanta Madaxeweyne Farmaajo uu ku Casuumay kulan, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan kulanka oo Saacadaha soo socda ka dhici doona Xarunta Madaxtooyada.
Kulanka Madaxweynaha iyo Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa intii uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimaha Doorashooyinka la filayo inay dhacaan Sanadka 2020-ka iyo Siyaasadda haatan uu marayo dalka.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Xisbiyada ka hadli doona nooca ay noqoneyso Doorashada dalka ka dhaceysa, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in Xisbiyada uu kulmi doono ay yihiin kuwa teegeersan dowladda Federaalka.
Waa kulankii ugu horreeyay ee Madaxweynaha uu la qaadan doono inta badan Xisbiyada siyaasadda, kuwaasi oo diiwaangeliyeen Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.