Maydadka Saynis-yahano Reer Falastiin oo laga helay dalka Algeria.

Hadal ka soo baxay Safaaradda Maamulka Falastiin ku leeyihiin caasimadda dalkaasi ee Algeris ayaa sheegtay in maydka 2 saynis-yahan xalay laga helay dhismo ay ka deganaayeen magaalladaasi.

Marxuuminta waxaa lagu kala magacaabi jirey Suleymaan Al-farra oo 34-jir ah iyo Maxamed Albaana, kuwaasi oo asal ahaan ka soo jeeda Khaanis yoonis oo ku taalla Marinka Qasa ee Falastiin.

Baaritaano hordhac ah ayaa muujinaya in Marxuumka ay ku caburmeen Gaaska Cuntada lagu karsado ama ay qabatay Koronto.

Warar ayaa sheegaya inay dadkaa geeriyoodeen maalmo ka hor, balse xlay la ogaaday, kadib, markii ay dadka deriska dareemeen Ur ka soo baxaysa Dhismaha ay raggaasi degganaayeen.

Boliska Algaeria ayaa sheegay in mid ka mid ah maydkiisa laga helay meel ku dhow albaabka, halka midka kalena laga helay isagoo saaran sarriirta.

Sannadihii la soo dhaafay, Saynis-yahano Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Caalamka, iyadoo ay Hay’adda Sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD ka dambeeyeen inta badan dilalkaasi.

Bishii la soo dhaafay, Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Falastiin ee Jihaad Islaamiyah waxay ku eedeeyeen MOSSAD inay ka dambeeyeen Aqoonyahan Falastiini oo bishi iApril lagu dilay dalka Malaysia.

Khabiirkaasi oo la oran jirey Maxamed Al-batish oo 23-jir waxaa toogtay rag hubeysan oo watay Mooto xawli ku socotay meel ku dhow Hoygiisa oo ku yaalla Xaafadda Idman Puten ee caasimadda dalka Malaysia ee Kuala Lampur.

Khabiir kale oo Falastiini ah oo ku takhasusay samaynta Diyaaradaha aan Duulliyaha lahayn ee Drones-ka waxa 15-kii bishii December ee sannadkii 2016-kii lagu dilay gaarigiisa oo hor taagnaa Hoygiisa oo ku taalla Degmadda Al-cayn oo oo 7 KM dhanka Waqooyi kaga toosan  magaalladda Sfax oo 270 KM dhanka K/bari kaga toosan caasimadda dalka Tunisia ee Tunis.

Sidoo kale, Maxamudu C/ra’uuf Al-mabxuux oo ahaa Taliye Sare oo ka tirsan Dhaqdhaqaaqa XAMAAS  iyo mid ka mid ah Asaasayaasha Garabka Milliteri ee Guutadad Qasaam ayaa lagu khaarijiyey Hotelka Al Bustan Rotana hotel oo ku yaalla magaalladda Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta bishii Janaayo 19-dii ee sannadkii 2010-kii.

Dilkiisa waxaa lagu eedeeyey Sirdoonka Yuhuudda ee MOSSAD.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media