Dhageyso:-Madaxweyne kuxigeenka Puntland oo la kulmay Safiirka Yaman ee Somalia

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti ballaaran oo uu hogaaminayo safiirka dalka Yaman ee Soomaaliya Ambassador Fahad Ali Ahmed Al-Hinaq.

Weftiga Safiirka ayaa waxaa qayb ka ahaa ku-simaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Yaman Mudane Caarif Maxamed Cali, waxaana kulanka uu Madaxweynuhu la qaatay weftigani ku wehelinaayey Wasiir Ku-xigeennada iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyadda, Masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha iyo Agaasime Ku-xigeeka Madaxtooyada Puntland.

Dhankiisa safiirka dalka Yaman ee Soomaaliya Ambassador Fahad Ali Ahmed Al-Hinaq ayaa ka mahadnaqay qaabillaadda wanaagsan ee uu kala kulmay Madaxda Puntland, isaga iyo waftiga ballaadhan ee ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi, waxaana uu Dowladda Puntland iyo shacabkeeda ku ammaanay sida ay ugu gurmadeen walaalahood reer Yaman ee dhibaatada ballaaran ay soo wajahaday markii dalkoodu uu galay dagaallada sokeeye.

Safiirku waxaa uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay u fidisay gurmad iyo dib u dejin walaalahooda Yaman, waxaana uu sheegay in Yaman ay tahay garabka Soomaaliya, Soomaaliyana ay tahay Garabka Yaman.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media