Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay casho sharaf loo sameeyay Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal ay dowlada ku jirto Al-shabaab.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto Al-shabaab iyo Daacisha,isla markaana dagaalkaas uu yahay mid u yaalla dhammaan dalalka Gobolka.
“Dagaalka aan kula jirno Al-shabaab iyo Daacish ma ahan mid ku kooban Soomaaliya, waa dagaal u yaalla dhammaan dalalka Gobolka. Wax ka qabashada waxa ay u baahan tahay jawaab heer Gobol ah iyo aragti mideysan oo aan ka yeelanno xaqiijinta amniga guud ee Gobolka.”ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Famaajo ayaa sheegay in doorka Dowladda Soomaaliya ay ka qaadanayso arrimaha Geeska Afrika iyo goobta istaraatiijiga ah ee uu dhaco dalkeennu ay horseedayso in aan xarun weyn u noqonno diblomaasiyadda iyo ganacsiga Gobolka.
Hadalkan ayaa waxaa uu Madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay Munaasabad casho sharaf aheyd oo lagu maamuusayo Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika Mudane Thabo Mbeki iyo wafdiga uu hoggaaminayo,taasi oo lagu qabtay Madaxtooyada Qaranka.