Sarkaal u dhashay dalka Uganda oo loo soo magacaabay Taliye-xigeenka Hawlgalka AMISOM

Sarreeye Gaas Lakara Nakibus oo u dhashay dalka Uganda ayaa ku sugan magaalladda Muqdisho, kadib, markii loo soo magacaabay ayaa loo soo magacaabay Taliye-ku-xigeenka Guud ee Hawlgalka AMISOM.

Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa dallacsiiyey Sarkaalkaasi oo horey darajadiisu ahayd Sarreeye Guute, isla markaana u soo diray Somalia, si uu ula wareego Xilkaasi.

Taliye-ku-xigeenka  cusub ee Hawlgalka AMISOM, Sarreeye Gaas Lakara Nakibus waxa uu tan iyo sanandkii 2013-kii ahaa Taliyaha Gaaska 3aad ee Milliteriga ee Bariga Uganda, waxaana haatan xilkaasi loo magacaabay Sarreeye Guuto Dick Prit Olum oo isaga sannadkii hore ahaa Taliyaha Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Dhinaca kale, Taliye-ku-xigeenka Cusub ee Hawlgalka AMISOM , Sarreeye Gaas Lakara Nakibus waxa u diiwaan-gashan in horey loogu soo oogay Amar-diido iyo in dhaqaale laga lunsaday Ciiddanka UPDF.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor