Xaraynta Ciidamadii laga qoray deegaanada Galmudug oo weli socota

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Qaybta 21aad Gen Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir Kaant ayaa ku Howlan Fulinta Wajiga Labaad ee Qorshaha Ciidamada,kaasi oo lagu xareynayo Askartii dhwwaan laga Diiwaan galiyay Dagmooyinka ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga dalka ayaa gaaray Magaalada Caabudwaaq,iyagoo halkaas ay wada doona Tiro Ciidan ah oo Qayb ka ah Askar Dhawaan loo furayo Carbis Ciidan ah.

Ciidamada la diiwaan galiyay Qaybohooda kala duwan ee loo xulay in ay ka mid noqdaan Ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxaa lagu wadaa in dhawaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre tababar uga furo Dugsiga Carbiska ee Harqaboobe oo ka tirsan Dugsiyada Taliska Qaybta 21-aad kaa oo ku Yaalla duleedka Degmada Gueiceel ee Gobolka Galgaduud.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media