Mid kamid ah Madaxweyneyaasha Afrika oo wax ka beddelay Magaciisa

Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa si rasmi ah u wax uga baddalay magacyadiisa si uu ugu daro magac loo bixiyay markii uu yaraa.

Magacaas oo la yirhaado ‘Tibuhaburwa’ waxaana luqadda Runyankore loola jeeda “Qofka aan qaadan talada ama la sixi karin”

Arrintan ayaa hadal badan ka dhex dhalisay baraha bulshada Uganda, halka dadka qaar ay la yaaban yihiin waxa ay aheyd shaqada la taliyeyaasha madaxweynaha markii uu gaarayay go’aankaas.

Waxaa haatan Madaxweynaha loogu yeeri doonaa Yoweri Tibuhaburwa Kaguta Museveni.

Madaxweynaha weligiisa ma uusan shaacin magacan tan iyo intii uu xilka qabtay 34 sano ka hor.

Sida uu muujinayo dokumenti dhanka sharciga ah oo lasoo saaray 6-dii bishan Oktoobar, in magacan uu weligiisba ku qornaa shahaadooyinka waxbarasho ee madaxweynaha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media