Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu)

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud (Bantu) oo kooxo hubeysan ay shalay galab ku dileen magaalada Muqdisho.

‘’Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun. Aad baan uga xumahay dilka kooxaha nabad-diidka ay u geysteen Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud oo shahiiday isagoo hawl qaran gudanaya. Dilalkan marnaba nagama hor istaagi doonaan inaan horey u sii dhaqaaqno, waxaana hubaa Ilaahay idankii in kooxahan nabadda ka soo horjeeda dalka laga ciribtiri doono dhowaan’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuum Xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Maxamuud ayaa waxaa uu baarlamanka ku soo biirey dhowaan, isagoo beddelay aabihii oo horaantii sannadkan geeriyooday.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor