Madaxweyne Cali Guudlaawe oo sameeyay xilka qaadis iyo magacaabis (Wareegto)

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe  ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Hay’adda Qaxootiga Maamulkaas Khaliiif Warsame Waasuge, isagoo xilkaas u magacaabay Mas’uul cusub.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga u magacaabay inuu noqdo Cabdisalaan Cabdullaahi Xaashi ( Angola), kaasi oo bedelaya Guddoomiyihii hore ee Hay’addaas.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Qaxootiga u magacaabay Abuukar Xasan Muuse, isla markaana waxaa Mas’uuliiyinta la magacaabay laga dalbaday inay gutaan waajibaadkooda shaqo.

Sababta keentay magacaabista Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo ku-xigeenkiisa ayaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha baaxada leh ee hor yaalla Hay’adda Qaxootiga Hirshabeelle.

Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor