Sawirro:-Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay G/Galgaduud

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybtooda 21aad ayaa howlgallo looga hortagayo dadka xaalufinaya dhirta waxa ay ka bilaabeen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidamada Xoogga ayaa howlgalka waxa ay sigaar ah uga fulinayeen  Deegaanada u dhexeeya degmooyinka Caabudwaaq iyo Dhuusamareeb  ee Gobolka Galgaduud,iyaga oo fulinaya heshiis ay horay u gaareen Odayaasha Dhaqanka deegaanada howlgalka laga sameeyay.

Ilaa Afar ruux oo ku howlanaa shidida dhuxusha ayaa Ciidamadu xireen,waxaana sidoo kale ay la wareegeen Agabkii ay kooxdaasi adeegsanayeen iyagoo bur buriyay Goobihii Dhuxusha lagu shidayay.

Mid ka mid ah dadka deegaanada holwgalka laga sameeyay ayaa u sheegay Radio Dalsan in ay soo dhaweynayaan howlgalkaas looga hortagayo dadka xaalufinaya dhirta.

Madaxa Howlgelinta Ciidamada qaybta 21aad Korneel  Cqaadir Maxamed  Gasaawe ayaa sheegay inay weli ku raadjoogaan dad kale oo lagu tuhmayo xaalufinta dhirta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor