Sawirro:-RW Kheyre oo lagu soo dhaweeyay Dalka Qatar

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Qatar oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor