Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir uga qeyb galaya dalka Shiinaha ayaa ka hor shirkaas waxa uu la kulmi doonaa dhigiisa dalka Shiinaha Mudaneรย Xi Jinping.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona dardar-gelinta xiriirka taariikhiga ah ee Shiinaha iyo Soomaaliya, kaas oo ku saleysan iskaashi iyo wax wada qabsi, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, diblumaasiyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.
Sidoo kale Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaminayo Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin dalka Shiinaha waxa ay wadatashi iyo wadahadallo la qaadanayaan dhiggooda ka socda dalalka ka soo qayb galaya Shirka Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika.
Dowladda Shiinaha ayaa waxa ay ka mid tahay Wadamada taageera Soomaliya waxaana ay horay u dhistay Goobo ay ka mid yihiin Tiyaatarka Qaranka iyo Stadium Muqdisho iyo Xarumo kale.
Kulanka ay yeelan doonaan labada Madaxweyme ee Soomaaliya iyo Shiinaha waxa uu yahay mid muhiim ah maadaama dowladda Shiinaha Mashaariic horumarineyd ay ka fuliso dalka Soomaaliya.