Labadii Maalmood ee la soo dhaafay waxaa xiisad iyo dagaal uu ka jireen Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,kadib dil ka dhacay Magaaladaas.
Xiisadaas oo ka dhalatay dilka Darawal Mooto bajaajle ahaa ayaa isku bedeshay inuu dhaco dagaal beeleed sababay dhimashada iyo dhaawaca dad kale,waxaana soo farageliyey Maamulka Gobolka Hiiraan iyo taliska Ciidanka xoogga dalkas.
Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka qeybta 27aad ayaa sheegay in aan la aqbali doonin xiisado Iyo dagaal beeleedyo inay ka dhacaan Gudaha magalada Baladweyne.
Waxa uu sheegay in dadka abuuraya xiisadaha taliska xoogga dalka uu talaaba ka qaadi doono,isla markaana qofkii lagu arkaa isaga oo hub Sharci darro ah Magalada ku dhex wato la toogan doono.sida uu hadalka u dhigay.
Hoos Ka Dhageyso Codka Abaanduulaha.