Madaxweynaha Somaliland oo Maanta xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis, Bedel iyo magacaabid ku  sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil ka-qaadis.

Ku: Maxamed Cabdi Gurxan,

Agaasimihii guud ee hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Og: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Sida aad la socoto, xilka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Maaliyadda. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka.

Ujeeddo: Beddel iyo Magacaabid

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1- In Agaasimihii Guud ee Barnaamijka Shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta u beddelo in uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

2- In Kaysar Cabdillaahi Maxamed laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland ee Midowga Yurub.

About Webmaster

View all posts by Webmaster