Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 002 ee 14-ka January 2023, kuna saabsan magacaabid Guddiga diyaarinta Wada-xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu magacaabay Guddiga diyaarinta wada-xaajoodka, kuwaasi oo ka kooban 13-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan.
Sidoo kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay Guddi kale oo Khubaro ah, oo iyagana ka kooban 9-xubnood.
Maalmo kahor ayey aheyd markii Maamulka Puntland uu ku dhawaaqay inay doonayaan inay u dhaqmaan sida dowlad madax bannaan oo kale, isla markaana gaari karta Go’aamo.
Hoos ka Akhriso magacyada Guddiyada uu magacaabay MW Deni
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Puntland
Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo diyaar garowga wada xaajoodka arrimaha Federaalaynta Dalka.
Markuu arkay: Go’aankii Puntland ee ka soo baxay 9-kii Jan 2023 Madaxtooyada Puntland.
Markuu tixgaliyey: Aqoontooda iyo Waayo-aragnimooda.
Waxuu Xeeriyey:
Magacaabida Guddiga diyaarinta wada xaajoodka Arrimaha Federaaleynta Dalka.
Guddiga Goleyaasha Dowladda:
1- Md. Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan Guddoomiye
2- Md. Cabdi Faarax Siciid (Juxa) G. Xigeen
3- Md. Saadiq Abshir Garaad Xubin
4 Md. Axmed Jaamac Cabdulle Xubin
5- Md. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin
6- Md. Carshe Maxamed Siciid Xubin
7- Md. Cabdullaahi Maxamed Xasan Xubin
8- Md. Ilyaas Cismaan Lugatoor Xubin
9- Md. Maxamed Cabdiwaab Axmed Xubin
10- Md. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur Xubin
11- Md. Xasan Yuusuf Nuur Xubin
12- Md. Maxamuud Cawad Cumar Xubin
13- Md. Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi Xubin
Guddiga Khubarada:
1- Md. Axmed Cali Xaashi Guddoomiye
2- Md. Ismaciil Xaaji Warsame G.Xigeen
3- Marwo Saynab Ugaas Yaasiin Xubin
4- Md. Maxamed Maxamuud Ciis (Awoowe) Xubin
5- Md. Axmed Abshir Faarax Xubin
6- Md. Xasan Maxamuud Ciise (Binge) Xubin
7- Md. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keyton) Xubin
8- Md. Maxamed Siciid Maxamed (Jabiye) Xubin
9- Md. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xasan (C/nuug) Xubin
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.