Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump oo noqday Madaxweynihii 45-aad ee Mraaykanjka.
Wuxuuna Madaxweynaha la doortay u rajeeyey guul kasta oo uu horumar ku hagayso dalkiisa.
“Anigoo ku hadlayo Magaca Dowladda Federalka Somalia iyo magaca Ummadda Soomaalida, waxaan jeclahay inaan Hambalyo u diro Donald Trump guusha u uka gaaray Doorashadda Madaxweynaha Maraykanka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sjeekh Maxamuud.
Madaxweynaha waxa uu intaasi ku daray in Xiriirka Wanaagsan ee u dhexeeya Somalia iyo Maraykanka muhiim u yahay Ammaanka iyo Hadafka Guud, gaar ahaan Gobalka Geeska Afrika.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia waxa uu u rajeeyey Madaxweynaha la-doortay iyo Dadka Maraykanka guul sannadaha soo socda.
Waxa u uugu dambeyntii uga mahad celiyey Dowladda iyo Shacabka Maraykanka taageeradda qiimaha leh ee ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.
©Radio Dalsan