Kooxda QM ee Kormeerka Cunqabataynta Hubka ee saaran dalalka Somalia iyo Eritrea waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas inuu daabacayo Lacago cusub oo Shillinka Soomaalida, si uu u naafeeyo Dhaqaalaha iyo Maciishada dadka Soomaaliyeed.
Warbixinta oo ay Guddiga soo saareen bishii October 31-dii ee sannadkan ayaa lagu sheegay inuu C/weli Gaas Wershado lagu farsameeyo Lacagta Soomaaliga ku rakibay Bangiga Dhexe ee Puntland, taasi oo uu ugu talagalay inuu ku bixiyo Mushaaraadka Shaqaalaha Maamulkiisa iyo Ciiddanka Ammaanka.
Baarayaasha QM waxay sheegeen in Dibadbaxyadii rabshadaha watay ee bilowgii bishii May ee sannadkan ka dhacay magaallooyinka Garowe iyo Bosaaso inay ka dhalatay sicir bararka ay keeneen Lacagaha uu Maamulka C/weli Gaas daabacdeen.
Baarayaasha waxay sheegeen inay Lacagaha cusub ka heleen Suuqa Sarifka Lacagaha ee Bosaaso, iyadoo Daabacadda Shillin Soomaaliga Rasmiga ugu dambeeysay ka hor inta aysan burburin Dowladda Dhexe ee Somalia sannadkii 1990-kii.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirkiisa Maaliyadda waxay beeniyeen Eedeymahaasi, halka Guddoomiyaha Bngiga Dhexe ee Puntland, Abddi Ismail “Boos: ka gaabsaday si ay QM uga helaan Xarunta Bangigaasi oo ku taalla Bosaaso.
©Radio Dalsan