iiiiiWakaalladda Wararka Falastiin ee WAFAÂ ayaa sheegtay in Madaxweyne Maxamuud Cabaas Abu Maasim la dhigay Isbitaal ku yaalla Daanta Galbeed ee dhulka Falastiin.
Madaxweynaha ayaa la rajeynayaa in qaliin fudud looga sameeyo mid ka mid ah dhegihiisa, wuxuuna qaliinkaasi qaadan doonaa dhowr saacadood.
Madaxweyne Abu Maasim oo 82-jir ah waxa uu qalinkiisa ku soo beegmay iyadoo ay Xiisad ka dhex aloosan tahay Falastiin iyo Yuhuudda, kadib, markii ay Askarta Yuhuudda shalay toogasho ku dileen 58 Falastiiniyiin ah, kuna dhaawaceen Kumanaan kale.
Dadkaasi waxay ka qeyb galayeen Dibadbaxyo looga soo horjeeday Safaaradda Maraykanka ee shalay laga furay magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.
Dhinaca kale, ma aha markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Maamulka Falastiin la dhigo Isbitaal, iyadoo bishii Feberaayo ee sannadkan uu baaritaan caafimaad ka maray Isbitaal ku yaalla Mraaykanka, xilli uu Khudbad ka jeedin lahaa Shirweynihii Golaha Guud ee QM o olagu qabtay magaalladda New York.
Bishii October ee sannadkii 2015-kii waxaa la dhigay Isbitaal  ku yaalla Daanta Galbeed, iyadoo baaritan dhinaca Wadnaha lagu sameeyey.
Maxamuud Cabaas waxa uu Madaxweyne ka noqday Falastiin sannadkii 2004-tii, kadib, geeridii Hoggaamiyihii Reer Falastiin, Yaasir Carafaad.
Waxa kale oo uu haatan yahay Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Ururka Xorreynta Falastiin ee PLO, iyadoo xilkaasi mar kale loo doortay bishan May 4-da.
Â