Melania Trump ayaa la sheegay in shalay la seexiyey Xarunta Caafimaadka ee Walter Reed National Military Medical Cente, waxaana Qaliin looga sameeyey Kelida.
Melania Trump oo 48-jir ah ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda ku sii jirto Isbitaalka ilaa ay ka soo bogsanayso. Iyadoo la sheegay inay xaalladeeda haatan wanaagsan tahay.
Hadal ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay inuu Madaxweyne Donald Trump rajeynayo inuu Melania Trump ku soo booqdo Isbitaalka ay ku jirto oo dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Washington.
Donald Trump waxa u uBartiisa Twitter-ka soo dhigay inay Xaaskiisa xaallad wanaagsan ku jirto, isla markaana uu ku sii jeedo si uu u soo booqdo.
Marwada 1-aad ee dalka Maraykanka oo ka soo jeeda dalka ISLOFEENIYA ayaa la sheegay inay isbuucii hore hakisay Ajendo ka mid ah Hawsha ay ka hayso Aqalka Cad oo diiradda lagu saari lahaa Taageeridda Carruurta.