Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan dhinaca Mareegta Internet-ka la qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka ee Soomaaliya.
Kulanka u dhexmaray Madaxweyne Waare iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin wax ka qabashada Cudurka halista ah ee Coronavirus ee deegaanada Hirshabeelle.
Sidoo kale kulanka inta uu socday ayaa qodobada looga hadlay waxaa ku jiray Arrimaha doorashooyinka Maamulkaas iyo sidii dalka Soomaaliya ay uga dhici laheyd doorasho ‘hal qof iyo hal cod dhammaadka sanadkaan 2020/2021.
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo xubnaha Beesha Caalamka ayaa isla soo hadal qaaday arrimo ku aadan Amniga deegaanada dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo qodobo kale oo ah sidii loo dhisi lahaa isku duubnaan Siyaasadeed.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Xafiiska uu fududeeyay kulankii dhexmaray Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Beesha Caalamka.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay fududeyso kulan shalay dhex maray Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Ware iyo saxiibada caalamka ee Soomaliaya, kulankas oo looga hadlay arrimo badan oo Muhiim u ah dalka” ayaa lagu yiri Qoraalka.