Dad Careysan oo lagu rasaaseeyay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo Maanta dad careysan ku rasaasseeyay Xaafad ka tirsan Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ayaa waxaa ay u sheegeen in rasaasta lagu furay shacabka ay ka dambeysay, kadib markii dadkaas ay is hor istaag ku sameeyeen howlgal Ciidanka amnig ay ku doonayeen inay ku burburiyaan guryo ku yaalla waaxda Tawakal.

Waxaa la sheegay in Guriyaha ay Ciidanka isku dayeen inay burburiyaan ay ahaayeen kuwo la isku heystay, isla markaana ku yaalla dhabarka dambe miisaanka dhuxusha ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Intaas kadib goobta ayaa waxaa banaanbax kooban ka dhigay dad ka careysan howlgalka burburinta guryaha, kaasi oo dhigeen dadka deegaanka oo isugu jiray haween iyo dhalinyaro, hayeeshee waxaa la tilmaamay inay rasaas ku fureen Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in rasaasta ay ku dhaawacmeen laba ruux oo haween ah kana mid ahaa dadkii banaanbaxa dhigay, kuwaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Yaaqshiid iyo laamaha amniga dowladda oo ku aadan dhacdadii ka dhacday xaafad ka tirsan degmadaas, iyadoona dadka ku sugan miisaanka dhuxusha ay hadal hayaan falkii Maanta.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media