Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Guddi u magacaabay fatahaadaha Webiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa lagu magacaabay guddiga fatahaadaha Webiga , kuwaasi oo ka kooban 16-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulkaas Maxamed Cali Caadle.
Guddigaan ayaa ka shaqeyn doona sidii wax looga qaban lahaa fatahaada uu sameeynayo Webiga Shabeelle oo saameeyn xoogan ku yeeshay dadka kunool deegaano hoostega Magaalada Jowhar, waxaana Caasimadda Hirshabeelle ay haatan Go’doon ugu jirtaa daadadka ka dhashay Webiga.
Sidoo kale waxaa jirmay gebi ahaan waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Magaalada Jowhar, waxaana fataahada ku barakacay boqolaal qoys, waxaana gudaha Jowhar xiligaan lagu tegi karaa oo kaliya doon.
Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga la magacaabay
1-Maxamed Cali Caadle (Gudoomiye)
2- Maxamed Cumar Ceymooy (Kuxigeen)
3- Saadaq Salaad Warsame (Xubin)
4- Saalax Maxamed Xasan (Xubin)
5-Maxamuud Wabar Xasan (Xubin)
6-Cabdikariin Cali Nuur ( Xubin)
7-Caasho Khaliif Maxamed ( Xubin)
8- Jaamc Xuseen Xaashi (Xubin)
9-Maxamuud Sheikh Cali (Xubin)
10-Aadan Barre Maxamed (Xubin)
11- Cabdiwali Sheikh Cali (Xubin)
12-Cabdulqaadir Cabdulle (Xubin)
13-CabdiMahad C/lle qoorgaab (Xubin)
14-Cabdi Macaan Maxamed (Xubin)
15-Cali jeyte Cismaan (Xubin)
16-Axmed Meyar Makaraan (Xubin).