Burcad dhac ka geysan jirtay xaafaddo ka tirsan Muqdisho oo la qabtay

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Haramcad ayaa habeenkii xalay howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Inta uu socday howlgalka Ciidamada Booliska ayaa waxaa lagu soo qabtay rag hubeysan oo burcad ahaa oo dadka xiliyada habeenkii ah dhac ugu geysan jiray xaafaddo ka tirsan degmada Yaaqshiid , kuwaasi oo dadka qaadan jiray Moobilada gacanta iyo waxyaabo kale.

Howlaglkaas ayaa lagu qabtay 9 ruux oo burcad ahaa, waxaana xiligii lasoo qabanayay ay wateen Bastoolado iyo tooreeyo ay dhac ku geysan jireen, isla markaana waxaa lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska Yaaqshiid.

Laamaha amniga Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in raggaan gacanta lagu dhigay laga qaadi doono tallaabo sharci ah, kuwaasi oo haatan xiran, iyagoona tilmaamay in aan loo dul qaadan doonin dhaca lagu haayo shacabka Caasimadda.

Si kastaba dadka deegaanka degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay burcad hubeysan oo dhac ka geysta xiliyada habeenkii xaafaddo ka tirsan degmadaas, iyagoona dad badan ka qaatay Teleefoono gacanta iyo waxyaabo kale oo ay wateen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor