Wararka naga soo gaaraya Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha Maamulkaas uu Caawa kulamo gooni gooni ah la leeyahay Xildhibaanada Hir-Shabeelle.
Kulamadaan ayaa ka dambeysay markii madaxweyne Waare uu Maanta safar deg deg ah ku tegay Jowhar kadib markii xalay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ay mooshin ka gudbiyeen.
Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle oo aan Caawa la hadalnay ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in kulamada uu Madaxweyne Waare Caawa la leeyahay Xildhibaanadii mooshinka ka keenay iyo kuwo kale oo isaga taagersan.
Kulamada ayaa waxay uga hadlayaan sidii Madaxweyne Waare uu u qancin lahaa Xildhibaanada oo ku eedeeyey xil gudasho la’aan iyo musuq maasuq.
Magalada Jowhar ayaa ka duwan Caawa sidii hore,iyada oo Maanta wafdigii Madaxweyne Waare soo dhaweyntiisa uusan ka qeyb galin guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle.