Dhageyso:-Xildhibaanadii mooshinka ka keenay Madaxweyne Waare oo sheegay in loo hanjabay

Xalay fiidkii ayaa ku dhawaad 60 Mudane oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxa ay mooshin ka keeneen Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle,iyaga oo sheegay inay kalsoonida kala laabayaan.

Hayeeshee xildhibaanada qaarkood oo la hadlay Warbaahinta Dalsan waxa ay sheegeen inay hanjabaad kala kulmayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Xassan oo ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada Hir-Shabeelle iyo guddoonka intaba ay hanjabaadyo kala kulmaya Madax ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in dowladda Somaaliya ay Hir-Shabeelle mar walba taageero oo ay garab qabato,isl markaana y tahay dowladooda balse ay haatan diidan tahay mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweyne Waare.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor