Madaxweynaha Galmudug oo war kasoo saraay dhismaha Dekadda Hobyo

Madaxeynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa kka hadlay dhismaha Dekadda magaalada Hobyo iyo faa’iidada ay u leedaha degaanada maamulka Galmudug.

Isaga oo ka hadlayay ayuu sheegay in ay u qalab qaateen dhismaheeda isla markaana isku tashi lagu dhisi doono iyada oo aaneyn jirin cid ay wax ka sugayaan isaga oo hadalkiisa kusii daray in aysan diideyn cid kasta oo ka caawinaysa hase’ahaate aysan u fadhinayn sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay isku filanyihiin dadka reer Galmdug isla markaan ay yihiin dadka ugu hantida badan isla markaana midnimo iyo wadajir ay heystaan oo ay ka howlgelayaan dhismaha Dekadda magaalada Hobyo.

Dhinaca kalana waxa uu shegay in uu sii soconayo qorshaha hubka looga aruurinayo beelaha dega Galmudug oo uu sheegay in Nabad lagu dhalinayo loonasoo jeesanayo dhinaca horumarka  Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media