Dadka lagu arkay calaamadaha Corona ee deegaanada Gobolka Gedo oo sii kordhaya

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa lagusoo waramayaa in dad badan oo sheeganaya calamadaha cudurka Corona lagu arkay deegaanada gobolka Gedo iyada oo dadkuna ay sheegeen in aysan heysan goobo ay isku baaraan.

Qaar ka mid ah dadka ku nol deegaano hoos taga degmada Buurdhubo ee gobolka Gedo oo la hadlay Idacada dalsan ayaa sheegay in ay arkeen dad badan oo sheganaya caalamadaha lagu yaqaan xanuun covid 19.

Korneyl Aadan Axmed Xirsi Rufle oo la tirsan saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo calamadaha lagu arkay kuna nool deegaano hoos taga degmada Buurdhuubo dowladduna ay gargaar gaarsiisay deegaanada qaar.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer gar gaar caafimaad waxa ay gaarsiisay deegaano ka tirsan gobolka Gedo waxaase muuqata in dad badan ay sheeganayaan wax u eg caalamadaha Cudurka Coronavirus.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media