• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Sunday, May 11, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Madaxweynaha: “Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida’’

Dalsan Editor by Dalsan Editor
April 2, 2016
in Warar
Reading Time: 4 mins read
A A
1
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa ku dhiirigeliyay shacabka Soomaaliyeed inay iskood wax u qabsadaan, waddankoodana dhistaan.

Madaxweynaha ayaa hadalkan xalay ka jeediyay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si rasmi ah daaha uga rogay mashruuc la magac baxay “Dalkaaga ku dhiso hal dollar’’.

“Waxaan ku bogaadinayaa maamulka gobolka Banaadir mashruucan cusub ee uu bilaabay ee salka ku haya dib u dhiska waddanka. Doorka ugu weyn ee dib u dhiska dalka waxaa iska leh Soomaalida. Marka la ina arko inaan wax qabsan karno ayaa caalamkuna uu gacan na siin karaa’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey maamullada kale ee dalka ka jira inay ku daydaan mashruucan oo degaannadooda ay ka hirgeliyaan, si loogu guuleysto hadafka dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale fariin u diray Soomaalida ku nool dalalka dibedda inay xoogga saaraan dib u dhiska waddankooda.

Mar uu ka hadlayey arrimaha amniga Madaxweynaha waxaa uu sheegay in nabad-diidka Al Shabaab ay isku dayayaan inay dib u celiyaan Soomaaliya, balse aanay taasi marnaba dhici doonin, maadaama shacabka Soomaaliyeed uu doonayo nabad iyo horumar.

“Soomaaliya way socotey, dibna u soo laaban mayso. Falalka argagixisada marnaba nagama leexin karaan waddada aan dooraney ee dhinaca nabadda iyo horumarka. Argagixisada waxay weli faraha kula jiraan falal gurracan oo shacabka iyo martida inoo soo gurmatey ku waxyeeleynayaan. Caawa masjid ku yaalla Beled Weyne qarax ayay ka geysteen, subaxnimadii maanta qarax ayay ka geysteen Gaalkacyo, shaleyna dad isugu jira Soomaali iyo ajaanib waddankan wax u qabanaya ayay Muqdisho ku laayeen’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaska , ehelada iyo dalalka ay ka soo jeedaan dhammaan dadkii ku dhintey, amaba ku dhaawacmey weeraradaasi bahalnimada ah.

Waxaa kale oo uu Madaxweynaha xusay in sannadkan 2016-ka ay Soomaaliya doorashooyin ka dhici doonaan, dowladda cusub ee la soo dhisayana waxqabadka laga sugayo ay ugu muhiimsan tahay inay waddanka u diyaariso doorashooyin qof iyo cod ah oo dalka ka dhaca sannadka 2020-ka.

MD1

MD4 MD2 MD5
MD7——————–DHAMMAAD——————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
www.villasomalia.gov.so

 

Previous Post

(SAWIR): Somali Maraykan Shandad lacago Dollar la raaci lahaa Diyaarada ku sii jeeday Dubai oo la qabtay.

Next Post

Dowladda Japan oo kaalmo lacageed ugu deeqday dadka ku macluulsan Somalia iyo dalal kale.

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

May 11, 2025
Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal
Caalamka

Xabbad-Joojin Degdeg ah: Hindiya iyo Pakistan oo Ku Heshiiyay Joojin Dagaal

May 11, 2025
Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho
Warar

Mas’uuliyiinta SoDMA iyo Gobolka Banaadir oo Ka Shiray Saameynta Roobabkii Xalay ka Da’ay Muqdisho

May 10, 2025
Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka
Warar

Roobab Xooggan oo Sababay Baaqashada Kulankii Golaha Shacabka

May 10, 2025
Next Post

Dowladda Japan oo kaalmo lacageed ugu deeqday dadka ku macluulsan Somalia iyo dalal kale.

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

by Ilhaan
May 11, 2025
0

Wararka laga helayo deegaanka Koogaar (loogu yeero sidoo kale Burdheere), oo hoos taga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa...

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

by Liban
May 11, 2025
0

Washington, D.C. – In a major diplomatic shift with wide-reaching geopolitical consequences, the United States is on the brink of...

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

by Ilhaan
May 11, 2025
0

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay “wadahadal toos ah” oo lala yeesho Ukraine, iyadoo la...

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

by Ilhaan
May 11, 2025
0

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu 15-ka May yeesho kulan gaar ah oo muhiim ah, kaas...

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
Warar

Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm
English News

Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
Caalamka

Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
“Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”
Warar

"Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS"

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Tensions Flare Again: India and Pakistan Trade Accusations Over Ceasefire Violations in Kashmir
English News

Tensions Flare Again: India and Pakistan Trade Accusations Over Ceasefire Violations in Kashmir

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
U.S. Signals Disengagement from AU Mission in Somalia, Casting Doubt on Future of AUSSOM Support
English News

U.S. Signals Disengagement from AU Mission in Somalia, Casting Doubt on Future of AUSSOM Support

May 11, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Maleeshiyaad Hubeysan oo Shacab Ku Dilay Duleedka Degmada Cadalle
  • Has Trump Chosen Riyadh Over Tel Aviv? US-Saudi Nuclear Deal Sparks Alarm
  • Putin oo Ukraine Ku Casuumay Wadahadal Toos ah
  • “Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe oo Ka Shiraysa Maalgelinta ATMIS”

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00