(SAWIR): Somali Maraykan Shandad lacago Dollar la raaci lahaa Diyaarada ku sii jeeday Dubai oo la qabtay.

Boliska Maraykanka ayaa ka helay Diyaarad ku sii jeeday magaalladda Dubai ee dalka Maraykanka Kumanaan Dollar oo  ku jirtay Shandad, laguna soo duubay baco Balaastik ah.

Boliska waxay sheegeen kharajka ay  qabteen inay ahaayeen Kumanaan Dollar oo Kaash ahaa oo isugu jirtay 20-Dollar, 50-Dollars iyo 100-Dollars.

Boliska waxay sheegeen inuu Kharajkaasi watay Nin Somali ah oo lagu magacaabo Abdi Warsame oo shaqaale ka ah Shirkadda Xawaaladda Midwestern money-transfer company, taasi oo sannadkii hore laga xiray Nidaamka Caalamiga ee Bangiyadda.

Shirkadda waxay haatan lacagaha caddaanka ku gudbiyaan gacanta, oo ma isticmaasho Nidaamka Xawaaladaha iyo Bangiyadda toona.

Markii Nidaamka Xawaaladaha Somalia laga xiray Somalia, waxay Inta badan Xawaaladaha Soomaalida la xiray Kharajka ku qaadaan si Kaash, kadibnma marka ay tagaan magaalladda Dubai ayey Kharajka u si iqeybiyaan Xawaaladaha lacagaha u dira Bariga Afrika iyo Bariga Dhexe.

Bangiyadda Maraykanka waxay horey u xireen Kumaan Xisaabaadka Lacagta oo ay lahaayeen dad iyo Ururo loo aqoonsaday inay khatar sare yihiin ama adag tahay in laga kontoroolo Shirkadaha Xawaaladaha, Bangiyadda Shisheeyaha iyo Hay’addo kale oo ah kuwa aan ku dhisnayn inay lacagaha wax ka macaashaan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor