Madaxweyne Albashiir ayaa hadalkaasi sheegay mar uu shalay la kulmay Kaaliyaha Wasiirka Difaaca ee dalka Scuudiga, C/llaahi Al-caysh, wuxuuna Madaxweynuhu xusay inay ka go’an tahay inay door ka qaataan Dib-u-soo-celinta Nabadda dalka Yemen.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, iyadoo  isbuucyadii la soo dhaafay la isla dhex marayey in Ciiddanka Suudaan laga soo saaray Isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka ka wada dalka Yemen.
Ugu yaraan 3,000 oo Ciiddamo Suudaanees ah ayaa qeyb ka ah Ciiddanka Isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadda Xuutiyiinta ka dagaalanta gudaha dalka Yemen.