Shirkadda Diyaaradaha farsameysa ee Dowladda Raashiya ee ROSTEC Â ayaa sheegtay inay Shiinaha sannadkan ka iibin doonaan Diyaaradaha Dagaalka ee Su-35.
Wakaalladda Wararka INTERFAX ayaa maanta qortay inay Shirkadda ROSTEC ka iibin doonto Shiinaha ilaa 24 Diyaaradaha Dagaalka, kuwaasi oo uu qiimahooda guud garaayo ku-dhawaad 2.5 Billion oo Dollar.
ROSTEC waxay horey Shiinaha ugu wareejisay 14 Diyaaradaha Dafaalka ee Su-35 sannadihii 2016-kii iyo 2017-kii.