Warbixin ay Baarayaal Caalami maanta ka soo saareen magaalladda Hayg  ee dalka Holland ayaa lagu sheegay in Gantaal laga soo riday Raashiya uu burburiyey  Diyaaraddaasi oo xilligaasi dul maraysay Bariga dalka Yukrayn.
Baarayaasha waxay sheegeen inay hayaan caddayn muujinaysa inay Ciiddanka Raashiya, gaar ahaan Guutada 53-aad ka dambeeyeen Gantaalkii lagu so oriday Diyaaradaasi oo dalka Malaysia laga lahaa.
Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Boeing 777, waxaa ku dhintay  dhamaan 298-dii rakaab ee la socotay, kuwaasi oo 193 ka mid ah u dhasheen dalka Holland.
Dhinaca kale, Dowladda Raashiya waxay sannadkii 2015-kii ku gacan sayreen qorshe ay Golaha Ammaanka ku dhisi lahaayen Guddi soo baaraya diyaaradda lagu soo riday Bariga Yukrayn.