masuulyiinta dowlada Soomaaliya ayaa Muqdisho ugu yeeray madaxda ugu sareesa maamul goboleedyada dalka.
u jeedka masuulyiintaas loogu yeeray Muqdisho ayaa ah in la iska wareeso qorshaha looga qeeb galaayo shirka lafilayo bisha soo socoto inuu ka furmo London.
hadaba durbaba waxaa maanta Muqdisho soo gaaray madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas waxaana garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay masuulyiin ka tirsan dowlada uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya.