Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta shir Guddoomiyay kulan wadajirka ah oo ay yeesheen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlaayay inta uu socday habka ugu sahlan ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay, la xiriira dib u dhacyadii doorashada dalka.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda xilgaarsiinta oo qoraal kasoo saaray kulanka ayaa waxaa uu sheegay in sidoo kale kulanka diirada lagu saaray sii wadidda isbaddalka Maaliyadda iyo sare u qaadidda Dakhliga gudaha oo muhiim u ah dhaqaalaha Soomaaliya.
“Maanta waxa aan shir-gudoomiyay kulanka wadajirka ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF oo aan uga wada hadalnay habka ugu sahlan ee Dowladda Soomaaliya ku heli laheyd Kabka Miisaniyadda (Budget Support) oo sanaddii la soo dhaafay la joojiyay†ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.